Soomaaliya iyo Kenya oo loollan adag ugu jira Raadinta Gudoomiyaha Midowga Afrika

Wasiirrada arrimaha dibadda Midowga Afrika ayaa shir uga furmay Addis Ababa, iyagoo ka wada-hadlaya qorshaha doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika , oo la qorsheeyay in ay dhacdo bisha February ee sannadka 2025.

Inta kullamadaa ay u socdaan, waxay ka dooddi doonaan warbixinta qabyada ah ee ku saabsan u diyaar garowga doorashada ee dhammaadka mudda xileedka Moussa Faki, oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika, si ay u beddelaana ilaa hadda waxaa la ogyahay labo musharrax oo u tartamaya xilka oo ka socda Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya, waxaa ka sharraxan oo raadinaysa xilka ugu sarreeya qaarada Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waana haweenay khibrad sare u leh diblomaasiyada oo soo qabatay xilalka Ra’iisul wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka Arrimaha dibadda, taasi oo ka dhigtay haweenaydii u horreysay ee xilalkaasi ka qabatay Soomaaliya.

Balse si ay u noqoto guddoomiyaha Midowga Afrika waa arrin u baahan olole ballaaran, waxaana ay tartan adag xilli hore kala kulmaysaa Raila Odinga oo xilkan ay usoo sharraxday Kenya, kaasi oo taageerro weyn ka helaya Madaxweyne William Ruto, mar horana wuxuu billaabay ololihiisa, isagoo ka helay ballanqaadyo hoggaamiyayaasha bulshada bariga Afrika oo ah kuwa sannadkan kursigan ku tartamaya, oo uu ku jiro madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha Uganda oo uu la kulmay.

PUNTLAND POST