
Ciidamo uu hogaaminayo Taliye xigeenka qaybta Booliska Gobolka Mudug G/dhexe C/Siciid xuseen jaamac (Koomaad) oo isug jira Boolis iyo PMPF ayaa hawlgallo amni Xaqiijin ah Ka sameeyay degaano ka tirsan magaalada xeebeedda Garacad.
G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen Jaamac ayaa sidoo kale Kormeer ku sameeyay maraakiibta dekeda ku xiran isagoo Xogwaran la yeeshay Wadayaasha iyo Shaqaalaha Marakiibta Qeybo kamida.
Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay doomo iyo agab kale oo burcaddu ay ka carareen kadib markii ay ka warheleen howlglka ciidanka xeebaha Mudug.
Taliyaha ayaa xaqiijiyay in ay ku raad joogaan kooxo burcad ah oo haatan u baxsaday dhanka howdka degaanka Doomaaryo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.