Ciidamada Badda Hindiya ugu danbayn soo furtay Markabkii af-duubnaa ee MV Ruen

Ciidanka badda Hindiya ayaa si buuxa ula wareegay markabka MV Ruen, oo loo diiwaangeliyay markabkii u horreeyay ee tobannaan sanno kaddib muddo u afduubnaa koox Soomaali ah.

Howlgalka ay ciidanka Hindiya uga furteen markabkan kooxda Soomaalida ayaa socday muddo 40 saac ah, taa oo ugu dambeyntii ku qasabtay inay is dhiibaan 35 nin oo Soomaali ah oo markabka afduub u haystay tan iyo bartamihii December, sannadkii hore waqtigaa oo markabkan ay ka soo afduubeen badda cas.

Howlgalka inta uu socday waxaa ka dhashay, khasaare aan wali la soo bandhigin, maaddama uu markabka ka fogaaday xeebaha badweynta Hindiya, iyadoo ciidanka Hindiya laga soo xigtay in 17 shaqaale ah ay badqabaan, wallow aysan sheegin shaqaalaha 18-aad waxa ku dhacay, maaddama shirkadda markabka leh ay shaacisay in 18 shaqaale ah ay saaranyihiin markabka.

PUNTLAND POST