
Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa xalay ku dhawaaqay in ay billaabi doonaan weerarro ay ku beegsanayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil.
Waxa uu sheegay in ay maraakiibtaasi ku beegsanayaan marin biyoodka badweynta Hindiya ee Good Hope Road oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika.
Waa masaafo aad u ballaaran oo weerarro xiraya marinada ugu muhiimsanaa caalamka labada bad ee badweynta Hindiya iyo Badda Cas.
Weerarradan oo la filayo Xuutiyiinta inay billaabaan dhammaadka Ramadaanka ayaa jahwareer gelinaya ganacsiga badaha iyo xata xulafada Mareykanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.