Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo soo af-jaray Weerarkii Hotel SYL

Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah soo af-jaray weerarkii xalay lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa xalay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Hotelka SYL waxaana la sheegay in ay gudaha Hotelka ka dagaallamayeen mudda 13 saac ah.

“Dhammaan argagixisadii hubeysneyd waa la dilay, xaaladdana hadda caadi ayey kusoo noqotay. Ciidamada amniga ayaa wada baaritaankii ugu dambeeye” ayaa laga soo xigtay Cabdiraxmaan Yuusuf oo ah sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen maleeshiyaadka Alshabaab.

PUNTLAND POST