
Ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah oo sugayay gargaar ayaa lagu dilay laba weerar oo ay geeysteen ciidamada Israa’iil, kuwaas oo ka dhacay marinka Qaza, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Dhacdadii ugu horreysay, saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ee ku sugan marinka ay Xamaas maamusho ayaa sheegay in siddeed qof lagu dilay weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday xarun gargaar oo ku taal xerada Nuseirat ee bartamaha marinka Gaza.
Intaas kaddib, Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 21 qof ay ku dhinteen in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen rasaas ay Israa’iil ku ridday dad sugayay baabuur gargaar oo marayay waddo ku taal waqooyiga Gaza.
War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Israa’iil ayay ku beeniyeen in ay weerareen xarumaha gargaarka, iyagoo ku tilmaamay wararkaasi kuwo “been abuur ah”.
Tan iyo bilowgii weerarka Gaza, Ciidamada Israa’iil ayaa dilay in ka badan 31,000 oo qof oo shacabka Falastiin ah, halka ay dhaawaceen ilaa 71,500, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee Gaza.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.