Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn uga horyimid hannaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya u waddo dhameystirka Dastuurka dalka.
Madaxweyne Farmaajo oo hadal jeediyay isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in wada-tashi lagu wado hannaanka dhammaystirka dastuurka islamarkaana aysan cid gaar ah ku takri-falin hawshaasi.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh in aysan dhammaystir dastuur wadin balse ay dastuur beddel samaynayso taasina aan la aqbali karin.
Madaxweynahii hore Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa ku hanjabay hadii qaabka haddaa ay wax ku socdaan ay sii socdaan in ay sababi doonto in qof waliba uu ku laabto tuuladiisa dowladnimadana ay halkaas ku burbureyso.
“Dalka weli wuxuu ku jiraa Chapter 7, haddii aan annaga is qaban weyno, waxaa qasab ah in beesha caalamka garba-duub noo qabato waa haddii dan nagala leeyahay, haddii aan dan nagala laheyn oo nala sii daayo, dee qof walba tuuladiisa iyo xoolihiisa ayuu iska raacanayaa, Qaranimadana uu halkaas ayay nooga burbureysaa” ayuu yiri Farmaajo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.