Madaxweyne Deni oo shaaciyay in aysan Ciidamada Puntland ka bixi doonin degaannada SSC-Khaatumo

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in aysan Ciidamada Puntland ka soo bixi doonin difaaca hore ee degaannada SSC-Khaatumo.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in aysan difaaca hore ee dhulka SSC ka soo bixi doonin ciidamadii Puntland ee ka qayb-qaatay dagaalkii Laascaanood looga saaray Somaliland.

” Ciidamada Puntland waxay sii wadi doonaan garab istaaga SSC-khaatumo waxaana ay ciidamadu qayb ka sii ahaan doonaan difaaca dhulka SSC iyo taageeridda dhinaca agabka iyo saanadda” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa kale oo uu ballan-qaaday in Puntland ay joogtayn doonto bixinta mushaarka iyo xuquuqda kale ee Ciidamada ku sugan difaaca hore ee dhulka SSC-khaatumo.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in xukuumadda Puntland ixtiraam buuxa u hayso masiirka iyo aaya-ka-tashiga dadka reer SSC islamarkaana kula shaqayn doonto mowqifkooda.

PUNTLAND POST