Inta badan dunida Muslimka oo Maanta laga sooman yahay

Maanta oo ku beegan 11 Maarso ayay inta badan dunida Muslimku bilaabeen Soonka ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Bilashada bisha Ramadaan ayaa sida la sheegayo laga arkay meelo kamid ah dunida Muslimka inkastoo aan maanta laga soomin qaar kamid ah dalalka Islaamka.

Dowladda Sacuudiga ayaa hoggaaminaysa dowladaha Muslimka ee ku dhawaaqay in ay maanta tahay kowda bisha barakaysan ee Ramadaan islamarkaana laga sooman yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in bishii Ramadaan laga arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose sidaasi darteedna ay Soon tahay.

Dhanka Dowlad Goboleedyada, Xukuumadda Puntland oo keliya ayaa sheegtay in aysan jirin cid aragtay bishii Ramadaan islamarkaana aysan Soon ahayn maanta.

Waxaase jirta in maanta laga sooman yahay qayba kamid ah Puntland kadib markii culimada masaajidu sheegeen in ay soon tahay.

PUNTLAND POST