
Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay hawlgal qorshaysan oo ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda caalamiga ah ku beegsadeen maleeshiyaadka Alshabaab.
Ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa hawlgalkaasi qorshaysan ka fuliyay degaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida ay sheegtay dowladda.
“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaana ay isku abaabulayen khawaarijta oo katirsan Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri warkaasi.
Hawlgalka ayaa sida dowladdu sheegtay lagu dilay saddex ka tirsan saraakiisha maleeshiyaadka Shabaab waxaana lagu burburiyay dhufayskii ay dhagarta ka soo maleegayeen maleeshiyaadkooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.