
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay Saaka ansixiyaan Golaha Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweyne Deni.
Qoraal kooban oo Xalay loo diray Baarlamanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in ay Saaka oo Isniin ah soo xaadiraan Fadhiga lagu ansixinayo Xukuumadda cusub.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni uu dhawaan Kulan la qaatay Guddoonka Baarlamanka oo uu kala hadlay ansixinta Golaha Xukuumadda ee magacaaban.
Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Deni ayaa ka kooban 57 xubnood oo isugu jira 21 wasiir, 22 wasiir ku xigeen iyo 14 Wasiiru Dawle.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.