Puntland: Taliye Aadan Muuse Jaamac oo beeniyay in uu laaluush ku sii daayay eedaysane

Taliyaha Laanta C.I.D-da Gobolka Bari G/dhexe Aadan Muuse Jaamac oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa si adag u beeniyay warar laga faafiyay oo ku saabsan in uu lacago laaluush ah qaatay.

Taliye Aadan Muuse Jaamac ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu lacag laaluush ah qaatay islamarkaana xabsiga ka sii daayay shakhsi eedaysane ah oo loo haysto kiis lagu sheegay kufsi.

“Waxaan caddaynayaa in la igu been abuurtay oo aysan jirin laaluush aan qaatay iyo eedaysane aan xabsiga ka sii daayay. Dadkii dhibbanaha ahaana waa joogaan ninkii eedaysanaha ahaana waa xiran yahay” ayuu yiri Aadan Muuse Jaamac.

G/dhexe Aadan Muuse ayaa sheegay in uu sharciga la tiigsan doono cid kasta oo lug ku lahayd been-abuurka laga sameeyay ee ah in uu laaluush ku qaatay shakhsi eedaysane ah oo loo haysto kiis kufsi ah.

PUNTLAND POST