
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka aroortii hore dab xooggan uu ka kacay suuqa weyn ee Bakaaaraha.
Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in dabkaasi ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaalla suuqa Bakaaraha gaar ahaanna jidka isku xira shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye.
Inta badan goobo ganacsi oo ku yaalla aagga dabku ka kacay ayaa wararku sheegayaan in ay gubteen inkastoo markii danbe lagu guulaystay xakamaynta dabkaasi.
Kooxaha gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa lagu soo warramaya in ay ka hawl galeen xakamaynta dabka si uusan ugu fidin gooba kale.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.