
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ay ku eedaysay in uu ka tirsan yahay Al-shabaab.
Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay heshay xog caddayneysa in Abuukar Axmed Caddow uu Shabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, islamarkaana ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sidoo kale tilmaantay in eedaysane Abuukar Axmed Caddow uu Alshabaab ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha Kooxda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.