Maxaa ka soo kordhay dadaalladii diblomaasiyeed ee laga dhex waday Soomaaliya iyo Itoobiya?

Dadaallo diblomaasiyeed oo ay riixayaan Kenya iyo Jabuuti, si loo xalliyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in aan weli natiijo laga gaarin.

Ilo wareedyo dhanka diblomaasiyadda ah ayaa laga soo xigtay in aysan weli natiijo keenin dadaallada lagu xallinayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is afgaradkii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi kala saxiixdeen.

Wada hadallo labadii maalmood ka socday Nairobi oo ay Diblomaasiyiinta Kenyanka ugu kala dab-qaadayeen Wakiilo ka socday Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la sheegayaa in aanu wada hadal toos ah dhicin.

Wakiilada ka socday dhanka Soomaaliya ayaa dalbaday oo shardi ka dhigay in marka hore Itoobiya ka laabato MOU-ga, sidaas uu ku dhaco wada hadalka fool-ka-foolka ah

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in wakiiladii ka socday Itoobiya ay dalbadeen in ay u baahan yihiin waqti ay arrintaas wadatashi uga soo yeeshaan.

PUNTLAND POST