Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u ansixiyay qaraar ku baaqaya xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Suudaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.
Ansixinta qaraarkan ayaa yimid, kaddib markii uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ka digay in masiibada bani’aadannimo ee ka jirta Suudaan ay gaartay heer aad u baaxad weyn kuna baaqay xabbad-joojin.
Ku xigeenka danjiraha UK ee Qaramada Midoobay James Kariuki oo uu xafiiskiisu soo diyaariyay qaraarkaan ayaa sheegay, in Golaha Ammaanku uu qaraarkani farriin cad oo adag ugu diray millatariga Suudaan iyo xoogagga RSF, kuwaas oo laga dalbay in ay si deg deg ah xabbada u joojiyaan inta lagu jiro bisha Ramadan.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kala bar shacabka dalka Suudaan oo ah 25 milyan ay u baahanyihiin gargaar bini’aadannimo islamarkaana 10 milyan oo ka mid ah shacabka dalkaasi aysan heysan cunto ku filan.
Suudaan ayaa hadda ah dalka ugu barakaca badan dunida. 6.3 milyan oo ruux ayaa lagu qasbay in ay barakacaan. 1.7 milyan ayaa u qaraxay dalalka deriska halka 70 boqolkiiba goobaha caafimaadka ee ku yaalla aagaga dagaalka ay shaqadii joogsatay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.