Antonio Guterres oo ku baaqay in xabbad joojin laga hirgeliyo dalka Suudaan

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in xabbad joojin laga hirgeliyo dalka Suudaan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan

“Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamaya Sudan in ay ixtiraamaan bisha Ramadaan ee barakaysan, isla markaana ay dagaalka joojiyaan” ayuu yiri Guterres.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa hadalkaasi ka jeediyay shir ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda bini’aadanimo ee Sudan.

Xoghayaha ayaa intaas ku sii daray in midnimada Suudaan ay halis ku jirto, iyada oo laga cabsi qabo in dagaalada ka socda dalkaasi in ay xasilooni darro u keenaan gobolka.

PUNTLAND POST