
Saraakiisha sare ee Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 2 badmaaxiin ay ku dhinteen 6 kalena lagu dhaawacay weerarka gantaallada Ballistic-ga ee Xuutiyiinta oo ay la beegsadeen markabka xamuulka qaada ee Maraykanku, M/V True Confidence , kaaso la sheegay inuu ku dhowyahay inuu quuso, dab weyna uu qabsaday.
Ilo-wareedyo ka tirsan Ilaaladda Xeebaha Yemen ayaa sidoo kale Wakaaladda Wararka ee Xinhua u sheegay in Markabka oo lagu magacaabo “True Confidence” lagu weeraray dhowr Gantaal meel 50 nautical miles dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Dekedda Cadan, iyadoo inta badan Badmaaxiintii Markabkaasi saarnaa ay u suurtagashay in ay ka baxaan.
Dhimashada shaqaalaha markabkan Mareykanka laga leeyahay saarnaa ayaa ka dhigaysa, shaqaalihii u horreyay ee maraakiibta xamuulka oo ku dhinta weerarrada Xuutiyiinta ee soo bilowday November.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.