Go’aanno laga soo saaray Xoojinta iyo Sugidda Amniga magaalada Garoowe

Shir ku saabsan Xoojinta Amniga Caasimadda Garoowe oo maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Nugaal ayaa laga soo saaray Qodobba la xiriira Sugidda Amniga magaalada.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in hub ka dhigis lagu sameeyo dhammaan cid kasta oo wadata hub-sharci-darro ah, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado ciddii ay ku caddaayo Khalkhal gelinta Amniga Caasimadda.

Dhammaan Taliyaasha ciidamada dowladda ayaa sidoo kale lagu amray in ay xakameeyaan hubka ay ma’suulka ka yihiin ciidanka ay xukumaaana aysan magaalada la soo geli karin hubka iyo gaadiidka Tiknikada ah ee ay haystaan.

Go’aannada Shirka ka soo baxay waxaa sidoo kale kamid ah; in dhamaan istaafyada mas’uuliyiinta dowlada aysan soo qaadan karin qoryaha hadii aysan shaqo kujirin, iyadoo qorigii aan shaqo dowladeed ku jirin ama cid sharci-daro ah wadato, hadii la qabto lagu wareejinayo dowladda.

Shirka waxa ka qayb-galay Taliyaha Booliska Puntland, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa degmada Garoowe, Taliyaasha iyo saraakiisha ciidamada qablabka sida, Guddoomiyaasha Xaafadaha, Odayaasha, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhalinyarada magaalada.

PUNTLAND POST