Maleeshiyaad Af-ka duubtay oo xalay lagu arkay kantaroolkii hore ee Boosaaso

Maleeshiyaad hubaysan oo gaadiidka dadweynaha baaranaya ayaa xalay lagu arkay nawaaxiga kantaroolkii hore ee magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka oo wejiga qarsaday ay baarteen gaadiid kala duwan oo laamiga marayay islamarkaana qaarkood kala dageen raashin iyo agab kale.

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga magaalada Boosaaso ayaa markii danbe ku baxay goobta waxaana la sheegay in ay halkaasi ka ceyriyeen kooxdii gaadiidka baaranaysay.

Weli lama aqoonsan cidda ay ka tirsanaayeen maleeshiyaadkaasi waxaase la sheegay in ay u carareen dhinaca buuraha oo ay ku dhuumaalaystan kooxaha argagixisada ah.

PUNTLAND POST