
Shir ku saabsan Hannaanka dib u-eegista Nidaamka Maaliyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo Shirkaasi uga furmay Nairobi ayaa ka wada-hadlaya dib u-habaynta Nidaamka Maaliyadda dalka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaaradda Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka qayb-galaya Shirka oo mudda Todobaad ah socon doona.
Qodobada ugu muhiimsan Shirka ayaa waxa kamid ah Sare u qaadidda dakhliga dowladda iyo Horumarinta Maamul Wanaagga Nidaamka Maaliyadda dalka sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.