Kenya oo u ololaynaysa in Raila Odinga noqdo Guddoomiyaha Midowga Africa

Madaxda dowladda Kenya ayaa wada ololaha ay ku doonayaan sidii hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi uu u noqon lahaa Guddoomiyaha Midowga Africa.

Hoggaamiya mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa dhawaan shaaciyay in uu u tartamayo xilkaasi Guddoomiyaha Midowga Africa.

Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Raila Odnga oo wada socda ayaa arrintaasi kala hadlay qaar kamid ah dowladaha Africa.

Waxay ka dalbadeen in ay codadkooda ku taageeraan Kenya oo sanadkaan u taagan qabashada hoggaanka Midowga Afrika.

PUNTLAND POST