Wararka ka imaanaya xeebaha Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay ilaa 20 kalluumeysato ah oo u dhashay dalka Yemen.
Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Karkaar ayaa degaanka Dhalinbaar oo ka tirsan degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar ku qabtay raggaasi oo ku eedaysan kalluumeysi sharci-darro ah.
Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in kalluumeysatada reer Yemen ee gacanta lagu dhigay ay si sharci-darro ah kalluun uga guranayeen xeebaha Gobolka Karkaar.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha garsoorka loo gudbin doono eedaysanayaasha si loo mariyo sharciga.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.