Golaha Wasiirada cusub ee Puntland oo lagu dhawaaqayo gelinka danbe ee Maanta

Golaha Wasiirada cusub ee Puntland ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo gelinka danbe ee maanta oo Arbaco ah.

Mudda 30 cisho ah oo Baarlamanka Puntland ugu daray Madaxweyne Deni in uu ku soo dhiso Xukuumadda cusub ayaa ku eg maanta oo ku beegan 28 February 2024.

Wararka ayaa sheegaya in Golaha Xukuumadda cusub uu ka ballaaran yahay kii hore islamarkaana lagu soo kordhiyay wasaarado cusub kadib markii la kala qaaday Wasaaradaha qaarkood.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan shakhdiyaad hore uga tirsanaa Xukuumaddii mudda xileedkii hore ee Madaxweyne Deni oo mar kale ku jira Golaha Wasiirada cusub.

PUNTLAND POST