
Iran ayaa hoos u dhigtay kaydkeeda ku dhow uranium-ka heerka bamka nukliyeer ah saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Tallaabadaas oo yareyn karta cabsida reer galbeedka iyo middii laga qabay iskahorimaadka bariga dhexe ee ballaaran.
Kormeerayaasha Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay diblomaasiyiin reer galbeedka in heerka uranium-ka aadka loo horumariyay ee Iran uu hoos u dhacay 5% tan iyo bishii November.
Waa marka la barbar dhigo 5% korodhka rubuci sannadkii hore oo gaaray 60%,heer ku filan in loo beddelo bam nukliyeer ah.
Taas ayaa weli la macno ah in Iran ay haysato aqoon farsamo oo ku filan iyo qalab ay ku soo saarto hub nukliyeer ah toddobaadyo gudahood, haddii ay go’aansato inay soo saarto nukliyeer, sida ay sheegtay warbaahinta Bloomberg.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.