Nin dab isku qabadsiiyay afaafka Safaaradda Israa’iil ee Washington

Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen nin ayaa xalay dab isku qabadsiiyay banaanka Safaaradda Israel ay ku leedahay magaaladan Washington.

Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa shaqaalaha gurmadka caafimaadka waxay ula carareen Isbital Washington ku yaala, ka dib markii ciidamo ka mid ah kuwa Secret Service ee ilaaliyaha madaxda iyo diplomaasiyiinta ay damiyeen dabkii uu isqabadsiiyay.

War kooban oo waaxda dab demiska ee magaaladan Washington ay soo dhigeen internetka ayey ku sheegeen in xaaladda ninkaasi ay halis tahay.

Ciidamada Booliska ee magaaladan Washington iyo kuwa ilaalada madaxda iyo diplomaasiyiinta ayaa baaris ku haya dhacdadan.

PUNTLAND POST