
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisaneysa dhegeysiga dacwad ciqaabeed uu eedeysane ka yahay Sayid Cali Macallim Daa’uud oo horay u gubay Xaaskiisa oo uur lahayd.
Sayid Cali Macallim Daa’uud ayaa 26 kii January, 2024, degmada Dharkenley nolosha ku gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo ahayd xaaskiisa oo uur lahayd, ugu dambeyna u geeriyootay iyada iyo ilmihii yara ee caloosha ay ku sidday.
Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Eedeysanaha gacanta kusoo dhigay 05-02-2024 xilli uu ku dhuumaalaysanayay meel u dhow degmadda Wisil ee gobolka Mudug.
Maxakamadda Gobolka Banaadira ayaa saaka lagu wadaa in xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya dhibanaha ay hor keenaan maxkamadda caddeymo iyo marqaatiyo dhameystiran.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.