Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta degaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta degaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka dalka.

Wasiirka wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadcelisay inuu saxiixay sharcigan oo muhiim u ah ilaalinta deegaanka.

“Waxaan u mahad celinaayaa madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo maanta saxiixay sharciga ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka ee ay horrey u ansixiyeen Labada aqal ee baarlamaanka JFS” ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Almakhsuumi.

Wasaaraddda deegaanka iyo isbaddelka cimilada ee DFS ayaa in muddo ah ku hawlanayd soo saaridda sharcigan oo ay ku tilmaantay mid badbaado u ah, laguna maareynayo arrimaha degaanka.

PUNTLAND POST