Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo sheegtay in aysan wax amni-xumo ah ka jirin Hawada dalka

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee SCAA ayaa xalay qoraal rasmi ah ka soo saartay wararka ku saabsan Amniga iyo bad-qabka Hawada Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin amni xumo iyo halis ka jirta hawada Soomaaliya islamarkaama iyadu si buuxda gacanta ugu hayso Hawada dalka.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya”.

” Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee SCAA kaasi oo jawaab u ahaa qoraal Somaliland ku sheegtay in khalkhal ka jiro Hawada Soomaaliya.

PUNTLAND POST