Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay korortay tirada Carruurta looga tagayo Isbitaallada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay korortay tirada carruurta looga tagayo isbitaallada iyo waddooyinka Muqdisho.

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Soomaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay sii kordhayso tirada carruurta laga dhuumanayo inta dad kale loo dhiibo.

Inta la xaqiijiyay sannadkii tegay ilaa 53 carruur ah oo 25 ka mid ah ay gabdho yihiin ayaa hooyooyinkii dhalay ay uga dhex-dhuunteen goobo kala duwan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in caruurtaasi qaarkood lagu wareejiyay dad ay u oggalaatay dowladdu inay korsadaan halka kuwa kalana lagu koriyo goobo gaar ah.

PUNTLAND POST