Maraykanka oo weeraray goobo hub u yaalley Xuutiyiinta Yemen

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay isticmaalayeen kooxda Xuutiyiinta iyo weliba gantaallada lagu weeraro maraakiibta oo yaallay gudaha Yemen iyo badda cas.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarada maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ay halis degdeg ah ku yihiin gaadiidka ganacsi iyo maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

Taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen afar diyaaradood oo ah nooca is wada, iyo laba ka mida gantaallada lagu weeraro maraakiibta, kuwaas oo xilligaas ay kooxda xuutiyiintu qorshaynayeen inay weeraro ku fuliyaan.

Milateriga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay soo rideen qaar ka mida diyaaradaha yaryar ee droneska oo xilligaas dul heehaabayey markab ganacsi oo marayey badda cas.

PUNTLAND POST