Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay in ka badan 30 Shabaab ah oo horjoogayaal ku jiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.

Qoraal ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ku sheegtay in ay hawlgal ciidan ku dishay in ka badan 30 maleeshiyaad oo ka tirsan Shabaab.

Maleeshiyaadka lagu dilay hawlgalka oo ay ku jiraan horjoogayaal sare ayaa sidoo kale gacanta looga dhigay saanad ciidan sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Hawlgalka oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda Caalamiga ah ayaa laga fuliyay degaanka Jilib Marka oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

PUNTLAND POST