Xildhibaan aad uga horjeeda Villa Somalia oo ku biiraya golaha wasiirada Puntland

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Gablax) ayaa sida wararku sheegayaan isu diyaarinaya in uu banneeyo kursiga Baarlamanka Puntland.

Cabdiraxmaan Gablax oo kamid ah xildhibaannada laga soo doorto gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in uu ka soo muuqdo liiska cusub ee golaha xukuumadda madaxweyne Deni.

Qablax ayaa lagu tilmaamaa shakhsiyaadka wakhti xaadirkan si xooggan uga horjeeda siyaadadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa la rumaysan yahay in uu markan urursanayo islamarkaana golihiisa wasiirada ku qorayo siyaasiyiin aad u diidan Villa Somalia taas oo muujinaysa halka ay kala marayaan Deni iyo Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST