
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa meesha ka saaray siyaasi Maxamuud Khaliif Jebiye oo raadinayay in uu ku biiro xukuumadda cusub.
Guddoomiyaha xisbiga Sinnaan iyo Caddaalad (SINCAD) Eng Jebiye ayaa raadinayay in uu helo halka wasiir ee hadda beeshiisu ku leedahay golaha wasiirada Puntland.
Waxaase wararku tilmaamayaan in booskii Jebiye doonayay lagu qoray shakhsi lagu magacaabo Cali Hiirad oo ay isku reer yihiin xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Taaran.
Eng. Maxamuud Khaliif Jebiye ayaa lagu xasuustaa in uu si weyn madaxweyne Deni ugu taageeray barnaamijkii hannaanka doorashooyinka qof iyo cod xilli qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland ay ka hor yimaadeen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.