Ugu yaraan 14 qof oo dalka Venezuela ku dhintay god dahabka laga qodo

Ugu yaraan 14 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tiro kalana ay dhaawacmeen, kaddib marki uu kusoo dummay god ay si sharci darro ah dahab uga qodayeen, sidaasi waxaa sheegay saraakiisha dowladda Venezuela.

Guddoomiyaha gobolka Bolivar ee bartamaha Venezuela, Angel Marcano ayaa u sheegay wariyaasha maxalliga ah, in godka laga soo saaray 14 meyd iyo 11 dhaawac ah, isla markaana ay jiraan dad wali ku go’doonsan.

Waxa kale oo uu sheegay in ay wadaan howlaha gurmadka ah ee lagu samata-bixinayo dadka ku go’doonsan godka dahabka laga qodayay ee soo dumay.

PUNTLAND POST