Xildhibaan Cali Xoosh oo lagu wado in loo magacaabo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu ku biiro Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu Golaha Wasiirada Xukuukadda Soomaaaliya ka soo muuqan doono Xildhibaan Cali Yuusuf Cali oo laga soo doorto Gobolka Nugaal.

Xildhibaan Cali Xoosh oo ay si weyn Siyaasadda isugu hayaan Madaxweyne Deni ayaa loo badinaya in uu noqdo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay hoos tagaan Madaxda Dowlad Goboleedyada.

PUNTLAND POST