
Madaxweyne Siciid Deni ayaa ka baxay ballan uu u sameeyay 28 kamid ah isimada dhaqanka Puntland.
Ballanta uu madaxweynuhu sameeyay islamarkaana fulin waayay ayaa ahayd in uu kulan gaar ah ku qaabilo 28-ka isin oo u badan odoyaashii uu ka boobay xildhibaannadii ay soo saxiixeen.
Ilo wareedyo ku dhaw isimada ayaa tilmaamaya in Siciid Deni uu kulan booga-dhayid iyo is cafin ah ku ballamiyay odayaasha balse markii danbe uu sabab la’aan baajiyay kulankaasi.
Warar madax-bannaan ayaa xusaya in madaxweynuhu tallaabadan uga dhuuminayo in isimada dhaqanku saamayn ku yeeshaan magacaabista golaha xukuumaddiisa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.