Madaxweynaha Kenya oo boorasho rasmi ah ku tegaya Aqalka Cad ee Maraykanka

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa booqasho rasmi ah (State Visit) ku tagaya Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Madaxweyne William Ruto ayaa noqonaya hoggaamiyihii u horreyay ee Afrikana oo booqashada ugu heerka sarreysa ku tagaya Mareykanka tan iyo sannadkii 2008-dii.

21 qori oo salaam sharaf ah iyo soo dhawayn ciidan oo rasmi ah ayaa lagu soo dhaweyn doonaa Ruto.

Booqashada oo billaabanaysa 23, May ee sannadkan, ayaa tilmaam u noqonaysa xiriirka Mareykanka iyo Kenya.

Waxaa kalo booqashadan lagu sheegay in lagu xusayo 60 sanno-guurrada xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

PUNTLAND POST