Soomaaliya iyo Maraykanka oo maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad oo dhinaca Tayeynta Ciidamada ah

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo Mareykanka illaa shan saldhig ciidan uu u dhisayo Ciidanka uu tababaro ee Kumaandooska DANAB.

Heshiiska waxaa Labada dowladood u kala saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Siihaayaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Shane Dixon, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ku xigeenka Kaaliyaha Xogahaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey Heshiiska ayaa tilmaamay in heshiiskan uu horseedaya in dowladda Maraykanku ay kordhiso taageerada iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgelinayaa Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

“Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta amniga, waxa uuna faray xubnaha ka soo jeeda dhanka dowladda Soomaaliya ee guddiga isku-dhafka ah ee Labada dal in ay mudnaan weyn siiyaan fulinta heshiiska” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya, isagoo xusay sida ay lafdhabarta ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo howlgallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Halkaan ka eeg Sawirada Munaasabada Saxiixa Heshiiska

PUNTLAND POST