
Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka qabsaday kantaroolka bari ee caasimadda Garoowe.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan guutada Duufaan ee ciidamada difaaca Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay saaka gebi ahaanba la wareegeen kantaroolka bari ee Garoowe.
Ciidanka gadoodsan ayaa guud ahaan joojiyay isu socodka gaadiidka laamiga dheer waxaana halkaasi ku xanniban gaadiid badan oo u kala socday gobollada dalka.
Saraakiil ka tirsan ciidankan gadoodsan oo ka soo dagaallamay Laascaanood ayaa sheegay in aysan mushaar ah qaadan in ka badan lix bilood islamarkaana dalbanayaan in la siiyo xuquuqdooda maqan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.