
Wararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in guud ahaan magaalada laga raafay inta badan dadkii ka soo tahriibay dalka Itoobiya.
Hawlgal ciidan oo labadii habeen ee u danbeeyay ka socday Boosaaso ayaa lagu raafay soo-galootigii ka yimid Itoobiya oo u badnaa Qowmiyadda Oromada.
Hawlgalka raafka ah ayaa bilowday kadib falal amni-darro oo ku soo noq noqday magaalada Boosaaso kuwaas oo ay ku jiraan dilal iyo qaraxyo kala duwan.
Wararka ayaa tilmaamaya in Soo-galootiga la qabtay qaarkood baaritaan lagu hayo kadib tuhun laga muujiyay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha nabad-diidka ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.