Somaliland oo sheegtay in ay maamulka hawada kala soo noqonayso dowladda Soomaaliya

Somaliland ayaa saaka ku dhawaaqday in ay maamulka Hawada kala soo noqonayso dowladda Soomaaliya oo ay ku eedaysay xad-gudubyo joogto ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland maanta laga bilaabo maamulka hawadeeda kala soo noqonayso dowladda Soonaaliya.

“Somaliland maanta laga bilaabo iyadaa hawadeeda maamulanaysa Soomaaliyana iyadaa mas’uul ka ah wixii dhaca haddii aysan xad-gudubka joojin” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya dhawr jeer hawada ka celisay diyaarado u socday magaalada Hargeysa oo ay ku jirto diyaarad ambalaas ah.

Somaliland waxay dhinaca kale ku eedaysay dowladda Soomaaliya in ay takri-fal ku samaysay dhaqaalaha ka soo xerooda hawada dalka.

“Muddo 6 sanno ah ayaa Muqdisho Hawada Somaliland maamulaysay, waxaana ay ku takri faleen lacag dhan 60 Million oo Dollar oo Somaliland lahayd” ayuu sii raaciyay  war-saxaafadeedka.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST