Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku hawllan dhismaha golaha xukuumadda cusub ayaa caawa bilaabaya in uu qaabilo xildhibaannada Baarlamanka Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa qaabiladda xildhibaannada ku bilaabaya xubnaha laga soo doorto Gobollada Sanaag iyo Haylaan kuwaas oo uu caawa la ballansan yahay sida laga soo xigtay warar madax-bannaan.
Wararka ayaa sheegaya in Siciid Deni uu mudanayaasha Baarlamanka u qaabilayo gobol-gobol islamarkaana koox kasta u samaynayo ballan-qaadyo kala duwan oo ay ku jiraan xilal la siinayo shakhsiyaadka ay riixayaan.
Xukuumadda cusub ee uu soo wado madaxweyne Deni ayaa si weyn isha loogu wada hayaa waxaana horyaalla caqabado adag oo ay kamid yihiin maaraynta dhaqaale burburka haysta Puntland iyo sidoo kale xasilinta xaaladda amni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.