Puntland oo Boosaaso ka bilowday hawlgal lagu raafayo Soogalootiga Oromada ah

Laamaha Amniga Puntland ayaa Caawa magaalada Boosaaso ka sameeyay hawlgal ciidan oo ay ku tilmaameen mid amniga lagu xaqiijinayo.

Hawlgalka oo laga fuliyay bartamaha magaalada iyo xaafadaha qaarkood ayaa lagu raafay inta badan dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.

Wararka ayaa tilmaamaya in Oromada laga raafay gudaha Boosaaso oo lagu ururiyay goobo gaar ah qaarkood ka baxsadeen gacanta laamaha Amniga islamarkaana dib u galeen magaalada.

Dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada oo tahriib ahaan ku soo gala Puntland ayaa muddooyinkii danbe aad ugu sii badanayay gudaha Boosaaso.

Dhinaca kale hawlgalka caawa ayaa sida la sheegayo lagu qab-qabtay shakhsiyaad Soomaali ah oo lagu tuhmayo falalka ka dhacay Boosaaso oo waayadan amnigeeda laga deyrinayo.

PUNTLAND POST