Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay eedaysane loo haysto dil xalay ka dhacay Gaalkacyo

Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay shakhsi ku eedaysan in uu xalay dil ka geystay magaalada Gaalkacyo.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Liibaan Cumar Axmed oo ku eedaysan dilka marxuum Maxamed Cabdullaahi Guuleed.

Liibaan oo da’diisu tahay 22 sano jir ayaa xalay toorrey ku dilay marxuumka dhintay oo da’diisu ahayd 29 sano jir sida lagu sheegay warka Booliska.

“Taliska Qeybta Boliska gobolka mudug ayaa Waxaa usuura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan Eedaysane Gacan ku dhiigle Liibaan cumar axmad 22jir ina sacdiyo maxamed cali”.

“Kaasi oo xalay Tooreey ku dilay Galkacyo allaha unaxariistee Marxuum Mohamed Abdullahi Guuleed 29 jir ina Aamino” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

PUNTLAND POST