Ganacsade Caawa lagu dilay Boosaaso iyo qaraxyo laga maqlay guriga wasiirka Amniga Puntland

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay nin kamid ahaa ganacsatada magaalada.

Dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goobtiisa ganacsi ku dilay marxuumka kadibna meesha isaga baxsaday sida laga soo xigtay goob-joogayaal ku sugan Boosaaso.

Qaraxyo is xigay ayaa sidoo kale laga maqlay gudaha Boosaaso waxaana la sheegaya in bumbooyin lagu tuuray guriga wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Mas’uuliyiinta Amniga Puntland gaar ahaanna kuwa Gobolka Bari weli kama hadlin falalka amni-darro ee caawa ka dhacay Boosaaso oo muddooyinkii dhacdooyinka noocan ah ku soo noq noqdeen.

PUNTLAND POST