Dagaal beeleed xooggan oo ka socda duleedka degmada Galdogob

Dagaal beeleed xooggan ayaa maanta oo Jimce ah ka socda degaanka lagu magacaabo Jiic-Boor oo ka tirsan gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in ay halkaas ku dagaallamayaan laba ciidan beeleed oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug gaar ahaanna Galdogob iyo Bandiiradley.

Dagaalka ayaa sida lagu soo warramayo bilowday kadib markii maleeshiyaad ka yimid dhinaca Bandiiradley ay af-duubteen haweeney iyo carruur ay dhashay oo ka soo jeeda Galdogob.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo labada dhinac ah ayaa ilaa iyo hadda ku geeriyooday dagaalka halka in ka badan 15 kale ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST