Wararkii u danbeeyay ee iska hor imaad ka dhacay gobolka Raas casayr ee Puntland

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor-imaad xooggan oo saaka ka dhacay degaanka Hursale oo ka tirsan degmada Caluula ee Gobolka Raas Casayr.

Iska hor-imaadka oo dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Raas casayr iyo maleeshiya-beeleed ka soo jeeda degaanka Hursale ayaa la sheegay in uu sababay khasaare dhaawacyo ah oo labada dhinac ah.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Caluula ayaa laga soo xigtay in iska hor-imaadkaasi ka dhashay muran la xiriira sida loo qaybsanayo hub dhawaan booliska degaanku gacanta ku dhigeen.

Waxay sheegeen in hubka laga dejiyay doonni si sharci-darro ah ku soo gelinaysay xeebaha gobolka Raas casayr taasi oo gacanta lagu dhigay iyada iyo raggii watay.

Qaar kamid ah hubkii lagu qabtay doonta ayaa dhawaan warbaahinta loo soo bandhigay balse wararka ayaa tibaaxaya in muranku ka taagan yahay qaybsiga intii kale oo aan la soo bandhigin.

PUNTLAND POST