
Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyay hawlgal qorshaysan oo xalay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Garoowe.
Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayay ku sheegeen in hawlgalkaasi lagu qaaday kooxaha isticmaalaha maandooriyaha amni-darrada ku haya caasimadda Garoowe.
“Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal ayaa caawa hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo Cabtooy ah oo faraha kula jira dambiyo culus” ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Taliska Booliska Gobolka Nugaal.
“wuxuuna hawlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.