
Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Salaasadii sheegay in hoggaamiyayaasha Xamaas ay ka soo jawaabeen hindisaha sii daynta la haystayaasha, kaasoo hakin doona dagaalka ka socda marinka Gaza.
Wuxuu sheegay in Maraykanku uu dersayo jawaabta ay ka bixinayaan arrintan, isla markaana ay kala hadli doonaan Israa’iil maanta oo Arbaco ah.
Intii uu socday shir saxaafadeed ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, Xoghaye Blinken ayaa u sheegay warbaahinta in jawaabta Xamaas ee hindisaha sii daynta la haystayaasha lala wadaagay Israa’iil.
Maraykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka shaqeeyey heshiis xabbad-joojin ah, kaas oo haatan laga wada xaajoonayo, waxaana ku jira in muddo toddobaadyo ah la xakiyo dagaalka ka socda marinka Gaza iyo in la sii daayo maxaabiista la haysto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.